AF-SOOMAALI

Magacyada 7-da Xubnood ee ku guuleystay kamid noqoshada Baarlamanka federaalka qeybta Jubaland


Doorashadan oo ahayd tii ugu horeeysay oo nooceeda ah oo lagu qabto deegaanada Jubooyinka ayaa waxaa maanta ku tartamayay musharixiin u tartameeysay kamid noqoshada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka.

Saaka aroortii xarunta ay ka dhaceeysay doorashada waxaa gaaray ergooyinka ilaa 7 beelood oo kamid ah beelaha dega Jubooyinka, kuwaa oo loo xareeyay si ay usoo xushaan xubinta u matali doonta baarlamanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Amniga goobta ay doorashadu ka dhaceeysay ayaa waxaa sugayay ciidamada Nabadsugidda iyo Booliska Jubaland, waxaa sido kale ka qeybqaadanayay sugidda amniga goobta ay doorashada ka dhaceeysay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Doorashada ayaa u dhacday qaab qarsoodi ah, ayadoo ergo gaareeysay ilaa 51 ay dooranayeen musharaxa ay doonayaan in uu baarlamanka ku matalo, waxaana goobta ay doorashada ka dhaceeysay goobjoog ka ahaa korjoogto ka socotay Qaramada Midoobay.

Doorashada musharixiinta ayaa mar qura ka wada biloowday ilaa 7-Hool oo ergo walba ay ku dooraneeysay xildhibaanka ay doonayaan, waxaana doorashadu ay soo idlaatay maanta gelinkii danbe xilliga geeska Afrika.

Gudiga doorashoooyinka dadban ee Jubaland ayaa markii ay soo idlaatay doorashada shaaciyay magacyada xubnaha ku guuleystay kamid noqoshada baarlamanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnaha guuleystay ayaa dhammaantood ahaa mudaneyaal hore uga tirsanaa baarlamanka dowladda Soomaaliya ee waqtigiisa dhamaaday, marka laga reebo Hal gabar oo iyadu ku cusub booskan.

Waxayna kala yihiin sidan;

 

  1. C/rashiid Max’ed Xidig (Xildhibaan hore)
  2. C/laahi Yuusuf Alankeey (Xildhibaan hore)
  3. Xamze Sheekh Xuseen (Xildhibaan hore)
  4. Maryan Aweys Jaamac (Xildhibaan hore)
  5. Luul Cabdi Aadan
  6. C/casiis C/laahi Yuusuf (Xildhibaan hore)
  7. Cismaan Libaax (Xildhibaan hore)


Maalinta berito ah ayaa la filayaa in sidoo kale dib ay u bilaabato doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka.