GLOBAL NEWS

Magaalada Kudhaay


Kudhay wa magaalo xeebta saaran ka so horjeedka jasiiradda Chuula. Waxay ku taala goob lo adeegsado dhismaha maraakiibta yacni doomaha kuwa waaweyn iyo yaryar intaba. Sannadihi 1970-1975 Dawladdi Kacaanka waxay si qasab ah barakicisay shacabki degganaa jasiiradaha , iyadoo isla markaas burburisay guryahooda , qalabki ay ku shaqeysan jireen iyo hantidooda .waxayna isugu keentay Kudhaay.

Waxaan ka maqalna idaacadaha tan rasmiga e dawladda iyo websatyada guud ahaan “Jasiiradda Kudha”. Qoraalkaan waxaan warbaahinta rasmiga iyo dadka websatyada wax ku qora , in marka hore magaca saxa ah wa KUDHAAY e ma aha “KUDHA” jasiiradna ma aha e wa magaalo xeebta saaran.