AF-SOOMAALI

Madaxweyne Xassan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee isbitaalka Martini


Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray isbitaalka Martini ee ciidammada Naafada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandiga, wasiir kuxigeenka caafimaadka iyo gaashaandhiga, Taliyaha cidamada XDS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada xarig jarista ee maanta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta soo kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhiyey Isbitaalka iyo qalabka casri ah ee la keenay Isbitaalka, tanoo dabooli doonta baahida dhanka caafimaadka ee baahida weyn loo qabo.

Isbitaalka Martini oo ah mid qadiimi ah oo magac weyn ku leh dalka ayaa la filayaa in ay adeeg caafimaad ka hellaan shacabka iyo ciidamada qalabka sida intaba.

Madaxweynaha, ayaa u mahadceliyey ciidammada XDS, Hay’adda IIDA iyo guud ahaanba hay;addihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada.

Madaxweynaha ayaa siddoo kale sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada naafada xoogga dalka Soomaaliyeed” Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii kaalinta weyn ka geystay in Isbitaal Martini dib loo dayactiro oo uu lahaado qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan naafada ciidamada Dowladda. Isbitaalku waxuu leeyahay magac weyn oo marka la maqlo Martini waxaa la soo xasuusnayaa taariikhdii Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waa inaan magacaas sidiisa u dhowrno si taariikhda ummadda loo ilaaliyo. Dhismaha Isbitaalka waa qeyb ka mid ah horumarka dalka ka socda”

Ugu danbeyntii, madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii Hay’adda IIDA, guddoonsiisay Billad Sharaf ku aadan kaalintooda weyn ee qabsoomida dhimsaha iyo qalabeynta Isbitaalka Martini.