AF-SOOMAALI

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay shirka beri u furmaya Madaxda Somalia & Somaliland


Kulan heer sare ah ayaa la filayaa inuu maalinta berrito ah uga furmo dalka Djibouti wufuud heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu shir guddoomin doono kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in kulankaas uu ku soo qeyb geli doono shirkaas Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, hase ahaatee ma faahfaahin ajendayaasha kulanka iyo rajada laga qabo natiijo ka soo baxda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, waxaanu kala xaajooday oo soo hor dhigay qorshaha wadahadallada labada dhinac uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Djibouti.

Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada. Balse wixii dhaliil iyo taageero ah ee ay ka odhan doonaan oo kaliya wixii ka soo baxa shirkaas ee ay arkaan.

hase ahaatee Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay inay ka qayb galaan.

“Horeyna waan uga soo horjeeday in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” ayuu yidhi Faysal Cali waraabo oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho.

Labada dhinac ayaa muddooyinkii u dambeeyey midba kan kale ku eedaynayey masuuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa.