AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo daah furay shir heer caalami ah oo goor dhaw ka furmay Muqdisho


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka wajigii labaad kulankii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada London oo looga hadlayo xaalada Soomaaliya

Shirkan oo uu shir guddoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb gelaya, Madaxda Dowlad gobolleedyada,Xubno ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa daba socda Shirkii Bishii May ka dhacay Magaalada London ee looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ka dhacay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, ayna qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.