AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo daah furay Kalfadhigii labaad Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta Furay Kalfadhiga Labaad ee aqalka sare ee Baarlamanka Somalia.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadan Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Madaxweynaha Galmudug, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Xildhibaano.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Munaasabadan ayaa ka hadlay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wada tashiga iyo u kuurgelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee dowlad Goboleedyada, dejinta Hannaan awood-qaybsi oo ka dhexeeya dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud ee dalka iyo dadka.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha aqalka sare inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda qaran ee horyaala si loo xoojiyo wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad qodobka 56aad ee dastuurka ku meel gaarka ah.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabadan gudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamanka Somalia oo beeniyey wararka sheegaya ineysan ka dhexeynin wada shaqeyn, waxayna xuseen in labada aqal ay leeyihiin xiriir joogto ah oo ku saleysan danta Qaranka ayna mustaqbalka xoojin doonaan wada shaqeyntooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
[email protected]