AF-SOOMAALI

Madaxweyne Axmad Madoobe o ku la kulmay Kismayo danjire David e U.K.


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kula kulmay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya David Concar.

Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayay taageerada ay Dowlada UK siiso Juballand gaar ahaan adeegyada Bulshada, iyo taakulaynta dhinacyada amaanka iyo hormarka.

Inta uu kulankan socday waxaa la isla soo qaaday sidii loo joogtayn lahaa xiriirka labada dhinac isla markana ay u bilaaban lahayeen waxyaabaha ka dhiman mashaariicda ay Ingiriisku ka hirgalinayaan jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Danjire Divid Concar, waxaa ay booqdeen, dhul laga dhisayo Xarun ay yeelanayaan Sirdoonka Jubbaland oo ay maalgalinayso Dowlada Ingiriiska iyadoo safiirku uu balan qaaday in ay dadaalkooda isugu gaynayaan sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd waayahii Burburka, isla markana ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Waxaa kale oo masuuliyiintu ay si wadajir ah ula kulmeen Ururada Bulshada qaybahooda kala duwan iyadoo ay isla soo qaadeen qaabka ay usocdaan mashaariicda kala duwan ee UK ay ka hirgalinayso Jubbaland.