AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Muqdisho laga soo Abaabulayo Dagaallada Gaalkacyo


Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta kasoo laabtay socdaallo uu ku tagay Itoobiya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in Dagallada ka socda Gaalkacyo aysan ahayn kuwo ay wadaan Puntlan iyo Galmudug, balse laga soo abaabulayo Muqdisho.

C/weli Gaas, ayaa warfidiyeenka ugu sheegay magaalada Boosaaso inaan la iska indho-tiri karin in dagaallada weli kasii socda Gaalkacyo ay yihiin kuwo ay Dowladda Federaalka ay kasoo abaabulayso Magaalada Xamar.

“Waxaa yaab leh cadow mar walba duullaan kugu ah, sidii wax loo dhisi lahaa oo Dowlad lala wadaagi lahaa,” ayuu yiri madaxaweynaha Puntland, oo ku eedeeyay Dowladda FS in ay mas’uul ka tahay dagaalka Degmada Gaalkacyo kasii socda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in Wadajir ay u xoojiyaan Ammaankooda, isla markaana ay difaacdaan deegaannadooda kana shaqeeyana midnimada Soomaaliya.

“Puntland waxay doonaysaa Derisnimo-wanaag, Midnimo iyo maamul walba uu dhankiisa uu horumarka Dalka iyo Midnimada Soomaaliya uga shaqeeyo,” ayuu Hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa horay ugu eedeeyay Dowladda FS inay gacan ku siinayso dagaallada ka socda Gaalkacyo, inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliyia ay dhankeeda sheegtay in ay Ciidammo Dagaalka joojiya geynayso magaalada Gaalkacyo.

RW Somalia, Cumar C/rashiid ayaa Toddobaadkii hore billaabay Dadaallo lagu joojinay Colaadaha ka taagan Gaalkacyo, iyadoo la sheegay in ay jiraan Heshiisyo Hoose oo lagu joojiyo colaadda oo ay Puntland iyo Galmudug wada-gaareen, Balse waxay u muuqdaan inaysan heshiisyadaan hir-gelin.

Ugu dambeyntii, Hadalka Madaxweynaha Puntland maanta kasoo yeeray ee ku aaddan in Dagaallada ka socda Gaalkacyo ay mas’uul ka tahay Dowladda Federaalka Somalia ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada ay dagaallo culus ka socdaan Gaalkacyo.