AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in dhismaha goleyaasha deegaanka iyo degmooyinka Jubbaland ay bilaaban doonaan


Mudane Axmed Max’ed Islaam, madaxweynaha Jubbaland oo maanta marti qaad u sameeyay gudoomiyeyaasha degmooyinka xorta ah ee Jubbaland, haween iyo odoyaal dhaqameediyo ka qeybgalayay shir looga hadlayay horumarinta Jubbaland oo lagu soo gabagabeeyay Kismaayo ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin sidii loo bilaabi lahaa dhismaha goleyaasha Deegaanka iyo degmooyinka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in madaxda degmooyinka ay ku dadaalaan sugidda amniga degmooyinka ay masuulka ka yihiin, isagoo xusay in amnigu fure u yahay horumarka.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa xusay in degmooyinka gobolka Gedo ee aan lahayn Boolis iyo Nabadsugidda uu mar ku bixiyay in dhawaan wasaaradaha arimaha gudaha iyo amnigu ay aadaan, una soo sameeyaan ciidamo Boolis iyo Nabadsugid ah.

Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa intaa ku daray in ay ka warqabaan cabashooyinka jira kara ee ay qabaan bulshada iyo masuuliyiintaba, isagoo sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii looga qaban lahaa cabashooyinkaasi.