AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Jubaland Md.Axmed Madoobe & Jen. Saacid oo boqolaal askari tababar ugu soo xiray Kismaayo


Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Saacid ayaa maanta oo Isniin ah tababar u soo xiray dufcadii Sadexaad ee ciidamada Booliska Jubbaland kuwaasoo muddo Saddex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Kismaayo.

Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay Askariga Booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay.

Dhamaan Casharada ay barteen ayay madasha kusoo bandhigeen iyagoo sidoo kale geedo ka ciyaar ku hor maray Madaxada hortooda.

Dabagalka, ka hor taga danbiyada, baarista, ka hortaga rabshadaha, iyo habab kala duwan oo is difaacista shaqsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta ku soo bandhigeen.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Saacid ayaa isna u hambalyeeyey ciidamada tababarka loo soo xiray, wuxuuna balan-qaaday in taliska booliska uu ku taageeri doono qalab iyo gaadiid wixii awoodooda ah, isagoo kula dardaarmay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda.