AF-SOOMAALI

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka Tacsiyeeyay Geerida Jeneraal SAMATAR


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid ALLAHA u naxariistee marxuum, Jen. Maxamed Cali Samatar oo Jagooyin Sar-sare kasoo Qabtay Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, xalayna ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Jen. Cali Samatar oo waddanka ksoo noqday Madaxweyne Ku-xigeen Koowaad, Ra’iisul Wasaare iyo wasiirka Gaashaandhiga, ayaa ku geeriyooday xalay Gobolka Virginia ee Dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa Marxuumka ku Tilmaamey in uu ahaa shakhsi Dalkiisa wax badan u soo Qabtay, hawlo fara badanna kasoo qabtay intii uu xialka kasoo hayay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun… Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo Shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid Jen. Maxamed Cali Samatar. Wuxuu ahaa Waddani door weyn ka qaatey dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqday kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, RW Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isagana uga tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii Jeneraal Maxamed Cali Samatar, wuxuu si gaara uga tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku sifeeyay S/guud Cali Samatar nin ku suntanaa Waddaniyadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa hoggaamiyaashii iyo saraakiishii doorka weyn ka qaatay dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed.

“Qof kasta wuu dhimanayaa, Geeriduna waa xaq, anigoo magacayga, kan Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku Hadlaya Waxaan ALLE uga baryeynaa in uu Naxariistiisa ka Waraabiyo Marxuum Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii hore ee waddanka soo maray, isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka,” ayuu yiri Sharma’arke.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha iyo RW Somalia ayaa marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariistii janno ka Waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.