AF-SOOMAALI

Lacag Abaal marin ah oo la dul dhigay Madaxyada Shan nin oo katirsan Al Shabaab (Daawo Sawirada)


Dowlada Kenya ayaa abaal marin lacageed waxa ay dul dhigtay Madaxyada shan dagaalyahan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ,kuwaa oo dowlada Kenya ku eedeesay in weeraro ka fuliyeen gudaha Kenya kuwa kalana ay hada qorsheenayaan.

Booliiska Kenya ayaa ka digay weeraro la sheegay in ay qorsheenayaan shantan qof oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan, waxa ayna booliiska ka codsadeen shacabka Kenya in ragan xogtooda usoo gudbiyaan laguna bixin doono abaal marin cudii keenta xog ragan lagu dili karo ama lagu qaban karo.

Magacyda Xubnaha booliiska Kenya lacagaha dul dhigeen ayna sida weyn u baadi goobayaan ayaa kala ah, Abdikadir Mohamed Ikrima; Gufu Tari Gufu; Mohammed Tajir Ali; Salad Tari Gufu; iyo Suleiman Irungu Mwangi

Dowlada Kenya ayaa balan qaaday in la siin doono qofkii keena xogtan ragan in midkiiba lagu bixin doono lacag dhan 2-Milyan oo Shilinka Kenya, waxaana dadka loo soo bandhigay Numbaro ay u wargalin karaan booliiska .