AF-SOOMAALI

Khilaafkii shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Sh. Dhexe oo waji kale Yeeshay


Khilaafkii in muddo ahba soo Jiitamayay ee ka taagnaa Shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe, ayaa hadda u muuqda mid waji kale yeeshay, kaddib markii odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sh/dhexe ku gacan-seyreen Qorshe Cusub oo DF Somalia ay u dajisay dadajinta dhismaha maamulka labada gobol.

Odayaal iyo waxgarad ku sugan degmada Jowhar ayaa qalabka warbaahinta u sheegay inaan marna la aqbalayn qorshaha cusub ee dhismaha maamulka gobolladan oo la sheegay in la soo hormarinayo doorashada madaxweynaha oo ay soo xuli doonaan ergo ka kala socta labada gobol, taa oo marka dhinac laga eego baalmarsan jadwalkii markii hore dowladda ugu talla-gashay in maamulka lagu soo dhiso dhismo.

Odayaasha ayaa sheegay in aan la aqbali karin madaxweyne gacan taag ku soo baxa, kaa oo marka danbe laga yaabo sidda ay hadalka u dhigeen in uu ku takri falo awooda, madaama uusan jirin baarlamaan soo doortay iyo isla xisaabtan toona.

Hadal heynta shirka oo soo jiitamayay muddo sanad ah ayaa khilaafka ugu weyn waxaa uu ka taagnaa siddii duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan loogu qancin lahaa ka mid noqoshada hanaanka dhismaha maamulka labada gobol oo marxlado kala duwan kaddib ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Balse, doodan cusub ee durbaba ka dhax-aloosan odayaasha & waxgaradka Sh/dhexe iyo dowladda federaalka ayaa loo arki karaa mid ugu yaraan sii adkeyn karta jahwareerkii siyaasadeed ee markii horeba taagnaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka XF Somalia, C/raxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo tiro dhowr jeer ah tagay xarunta Shabeellada Dhexe ee Jowhar, ayaa in badan kala hadlayay ergada iyo odayaasha gobolka ka go’naashaha dowladda federaalka dhismaha maamulka labada gobol iyadoo aan meesha laga saarin in ay jiraan caqabado u baahan in marka hore maaro loo hello.

Laakiin shacabka Reer Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in waqtigu ku dheeraadan, loogana fadhiyo dowladda in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan soo afjarto dhismaha maamulka.

Go’aanadii kasoo baxay shirkii ugu danbeeyay madasha-wadda-tashiga ee Muqdisho ayaa lagu farray xukuumada Soomaaliya in ay dadajiyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan & Sh/dhexe oo loo arko qeybta ugu danbeysa dhameystirka nidaamka federaalka dalka , waana tan keentay in dowladda qaadato go’aan deg deg ah lagu soo dhisayo maamulka.

Ugu dambeyntii, Dadka sida weyn ugu Dhuun-dalool Arrimaha Siyaasadda ayaa qaba in dolwadda ka fursan doonin dhismaha maamul loo marayo dariiqi lagu soo dhisaya dowladda gobolleedka K/galbeed oo madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan gacanta u taageen 396 ergo ah oo laga soo kala xullay gobollada maamulka ka kooban yahay.