AF-SOOMAALI

KEATING: Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ah ma aqbalayaan inay doorashadu dib u dhacdo


Wakiilka QM ee Somalia Micheal Keating, ayaa shaki geliyay doorashada Somalia ee sannadkan inay ku dhacdo xilligii loo qabtay; isagoo Xusay in Beesha Caalamka aanay Aqbali doonin khilaaf Siyaasadeed oo sabab u noqda inay dib u dhacdo doorashada sannadkan.

Danjire Keating oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay ahayd Hoggaamiyeyaasha dalka Somalia dhameystiraan nidaamka doorashada, isagoo rajo ka muujiyay in dhowrka bilood ee soo socota ay doorasho dalka ka dhici doonto.

“Waxaa muhiim ah in si dhab ah loo raaco jadwalka Doorashada, laakiinse haddii ay jiraan sababo farsamo oo dib u dhigi kara waxaa la doonayaa in si wanaagsan looga baaraan-dago,” ayuu yiri Danjiraha QM ee Somalia.

Sidoo kale, Danjire Keating ayaa xusay in Beesha Caalamka iyo Ururrada bulshada rayidka ah aanay aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku timaada doorashada lagu wado sannadkan inay ka dhacdo Soomaaliya.

“Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ma aqbali doonaan khilaaf siyaasadeed oo sababa din u dhac aan waqtigiisa la ogeyn inuu doorashada sannadkan ku yimaado,” ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, Madaxda Madasha wada-tashiga Doorshada Somalia ayaa Muqdisho ku leh shir y uga hadlayaan arrimaha doorashada, kaasoo aanay weli waxba kasoo bixin, iyadoo ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhaxeysa Madaxda oo salka ku haya doorashooyinka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayay maanta ugu eg-tahay muddadii afartii sano ahayd ee loo doortay xilka Madaxweynaha, iyadoo lagu wado inay doorashada madaxweynaha dhacdo dhammaadka bisha Oktoobar ee sannadkaan.