AF-SOOMAALI

Jawaari oo Qaahira kula Kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya


Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan .

Prof Jawaari ayaa uga warbixiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad xaalada Siyaasadeed iyo mida amni ee dalka la jirta iyo Horumarada la taaban karo ay gaartay Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudooyinkii ugu dambeeyay.

Labada Masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay xaalado badan oo ku saabsan Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Talooyin muhiim ah siiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga la socda ee Qaahira jooga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Qaahira , waxa uuna casuumad ka helay dhigiisa dalka Masar, waxaana la filayaa Jawaari inta Qaahira uu joogo kula kulmo madax sare oo katirsan dowlada Masar.