AF-SOOMAALI

Isbahaysiga Xisbiyada oo ka Digay in xilliga loo kordhiyo Dowladda hada shaqeynaysa


sbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo maanta Dood-cilmiyeed ka yeeshay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Mowqifkooda ku Aaddan Dhammaanshaha muddada dastuuriga ah ee Golaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Doodan ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta ugu Sarreeya Xisbiyada dalka ka jira, Musharraxiin u Tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Qaybaha bulshada iyo marti sharaf kale oo dooda lagu casuumay.

Dood-cilmiyeedka oo xubnihii ka qayb-galay ay isla falanqeeyeen Xaaladda siyaasadeed ee uu iminka dalku ku jiro iyo waxa la gudboon Bulshada marka uu Xilligu ka Dhammaado Dowladda Soomaaliya, ayaa mas’uuliyiintii ka hadlay waxaa ka mid ah; Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir, Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan], Cabdiraxmaan C/shakuur oo ah Murashax, Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Dimuqraadiyadda, Salaad Cali Jeelle, Guddoomiyaha Isbaheysiga xisbiyada Siyaasadda, Cali Nuux Tima-jilic, Canab Max’ed Daahir oo ah murashax madaxweyne iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoo Mowqif wadajir ahaa ka qaatay Muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ee xilligeedu dhammaadka yahay ee uu hogaaminayo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan C/shakuur oo Kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 10-ka September ee sanadkan 2016-ka uu Dalku galayo halis dhinacyada dastuurka iyo siyaasadda ah haddii aan xilligaan Qorshe cad laga yeelan, wuxuuna xusay in waqtigaas ka hor ay bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka tashadaan arrintaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isagana madasha ka hadlay, ayaa ku eedeeyay Dowlada Federaalka inay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid waqtigii loo asteeyay in ay Doorashada Baarlamaaniga iyo tan madaxda ugu sareysa dalka ku dhacdo, wuxuuna u soo qaatay tusaale madasha Wada-tashiga Qaran oo uu ku tilmaamay inay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda Somalia ay siyaasadda dalka dib u dhaca ku gelisay.

Sidoo kale, Guddoomiye Tarsan ayaa xusay in aysan suuro-gal noqon doonin Dowlad aan afar sano wax-qabad dhab ah la imaan in muddo kale loogu daro isagoona Dowladda FS dusha uga Tuuray mas’uuliyadda khatar Siyaasadeed oo uu sheegay in uu dalka halis ugu jiro.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Dimuqraadiga Salaad Cali Jeelle oo mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay kamid ahaa ayaa isna sheegay in maadaama ay dowlada federaalka waqtigii loogu talo-galay ku fulin weysay doorashada ay Xisbiyadooda diyaar u yihiin in ayagoo kaashanaya Odayaasha dhaqanka ay soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka kuwaa oo dooranaya madaxdii badelka u noqon laheyd madaxda uu imika waqtiga kasii dhamaanayo, si buu yiri dalka looga badbaadiyo qatarta Siyaasadeed ee kusoo wajahan.

Salaad Cali Jeelle ayaa xusay in wixii ka dambeeya 10-ka September ee sanadkan ay mas’uuliyadda dalka kusoo wareegayo shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in ay ayaga aayahooda ka tashadaan oo mas’uuliyadooda gartaan.

Musharax madaxweyne Canab Maxamed Daahir oo hadalka qaadatay ayaa waxa ay sheegtay in afar sano oo mugdi ah ay dowlada federaalka u horseeday umadda Soomaaliyeed, imikana aan lagu sii fiiran karin, sida ay hadalka u dhigtay.

Musharax Canab ayaa sidoo kale sheegtay in umadda Soomaaliyeed ay maanta taladooda ayaga u taalo oo aan cid kale lagu haleyn doonin, ayadoona xustay in aan la aqbali doonin in xitaa hal maalin loo kordhiyo dowlada federaalka ee uu waqtiga ka dhacayo.

Xog-hayaha guud ee Xisbiga Daljir Axmed Macallin Fiqi ayaa isna si kulul uga hadlay arinta ku saabsan dastuurka iyo gaabiska dowladda, waxa uuna tilmaamay in Xisbiyada Siyaasadda ee dalka mowqifkooda ku aadan mudo kordhin ay sameysato dowladda uu cad yahay, isagoona sheegay in aysan suurta-gal noqon doonin mudo kordhin ay codsato dowladda federaalka oo uu sheegay in waqtigii wax qabadka laga sugayay ay seexatay, mus’uuliyiinteedana ay danahooda gaar ah ku mashquuleen.

Xog-hayaha ayaa ku taliyay in Odayaasha dhaqanka, Siyaasaiyiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay isugu yimaadaan shir weyne qaran oo looga tashanayo xaalada uu imika dalku ku jiro iyo sidii dalka looga looga badbaadin lahaa khalkhal siyaasadeed oo uu dalku galo.

Waxaa Gunaaadkii Shirka laga soo saaray War-murtiyeedkan:

“Hadaba Isbaheysiga Xisbiyada siyaasadda dalku waxa ay hoosta ka xariiqeen in madaxweynaha iyo Golaha Barlamaanku marka uu waqtigooda dastuuriga ah dhammaado in aysan sharci aheyn waqti kororsi kasta oo ay sameystaan, muddo kasta oo ay noqoto, ayadoo loogu baaqayo in ay banneeyaan xafiisyada, isla markaana wareejiyaan hantida qaranka ee ay gacanta ku hayaan ayagoo la soo mid noqonaya musharixiinta kale ee u tartamaya xilalka waaweyn ee dawladda.”

“Isbahaysigu wuxuu soo jeedinayaa in la dhiso xukuumad xil sii hayn (caretaker government) marka ay Dhammaato muddada dastuuriga ah ee hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta. Xukuumadaas waa in hogaamiyaan xubno Xirfadlayaal (technocrat) ah, magacna ku leh Bulshadda dhexdeeda. Xubnahaas waa in aysan wax xil ah ka damcin doorashooyinka labadda gole iyo ta madaxweyne.

Ugu dambeyn, Dhamaan Madaxda Xisbiyada, Siyaasiyiinta iyo Qaybihii Bulshada ee ka Qayb-galay Dood-cilmiyeedka, ayaa isku raacay inay sii socdaan Kulammada iyo Doodaha Noocaan ah ee looga arinsanayo badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.