AF-SOOMAALI

Guddoomiye Muudeey : Mooshinka Waa sidiisii cod ayaana la galinayaa


Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey oo xalay War saxaafadeed soo saaray ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada Golaha Shacabka iyo qorshaha Baarlamaanka u degsan kulamada ugu soo horeeya.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in uusan wali waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.

Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka in loo codeynayo 10 cisho oo maalin shaqo ah, laga bilaabo Taariikhda mooshinka la keenay, sidaasi darteedna mooshinka Golaha la horkeeni doono 31-ka bishan March 2018.

Hadalka guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka ayaa imanaya xili dhinaca kale xildhibaannada taageersan guddoomiye Jawaari sheegeen in 31ka bishan ee ku beegan maalinta Beri ah baarlamaanku ka dooddi doono arintan ku saabsan xiisada Beled-Xaawo, waxaana muuqata labada dhinaca oo ku kala aragti duwan howsha ay tahay in uu qabto Baarlamaanka maalinta Bari ah wada tagi doonaan xarunta Golaha Shacabka.