AF-SOOMAALI

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha oo lagu dhawaaqay


Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Somalia.

Guddiga oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jira labada aqal ee Baarlamanka ayaa wareegtada lagu sheegay in gudDoomiye Jawaari uu magacaabay guddIga ka dib wada tashi uu la yeeshay xubnaha labada aqal.

Waajibaadka guddigan ayaa waxa ka mid ah iney asteeyaan maalinta ay dhaceyso doorashada iyo halka lagu qabanayo, waxaa sidoo kale ay u xilsaaran yihiin iney musharaxiinta doorashada ka qabtaan araajida codsiga iyo iney xaqiijiyaan musharax kasta inuu buuxiyey shuruudihii laga rabay.

Kor ka akhriso wereegtada Guddiga lagu magacaabay.