AF-SOOMAALI

Guddi loo saaray dhameystirka hishiiskii laga gaaray colaada Gaalkacyo


Kulan wali uga soconaya magaalada Gaalkacyo maamul gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa looga dhawaaqay guddi ka kooban 18 xubnood oo ka shaqeyn doona hubinta dhaqan-gallinta hishiiska laga gaaray colaada magaalada Gaalkacyo.

RW xukuumada Soomaaliya, islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke ayaa goob joog ka ah wadda hadallada labada dhinac, si loo hubiyo dhaqan -galinta hishiiska hor dhaca ah ee laga gaarray dagaallada marar badan soo noq noqday ee magaalada Gaalkacyo.

Maamul walba ayaa dhinaciisa soo magacaabay sagaal xubnood oo isugu jira, wasiiro, saraakiil ciidan, iyo odayaal ka soo kala jeeda labada dhinac, kuwaasoo gudda-geli doona nabadeynta magaalada iyo kala qaadista ciidammada wali is hor fadhiya.

Shaqada ugu ballaaran ee guddigan qaban doono ayaa ah ilaalinta hishiiska xabad joojinta ah ee la gaaray ka hor kulanka loo ballansan yahay 20 bishan in lagu qabto magaalada Kismaayo.

Magaalada Gaalkacyo oo ka mid ah magaalooyinka ugu mashquulka badan guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay aheyd mid cidlo ah, kaddib markii boqolaal kun oo shacab ah isaga carrareen dirirta labada dhinac.

Ugu danbeyntii, hishiiskan hor dhac ah ee laga gaaray colaada Gaalkacyo ayaa wax xoogaa yididiilo ah ku abuuraya dadkii ka barakacay magaalada oo hadda rajo ka qaba in ay dib u soo guro noqdaan.