AF-SOOMAALI

Golaha wasiirrada Jubbaland oo ansixiyay xeerka gudiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland


Kulanka ay maanta yeesheen golaha wasiiradrada Jubbaland oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa waxaa looga dooday xeerka gudiyada madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland

Golaha ayaa dood dheer kadib waxaa ay cod u qaadeen ansixinta xeerka, ayadoo ay wasiiradu cod gacan taag ah ku ansixiyeen gudiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane Cabdi Xuseen Sheekh Max’ed isagoo sheegay in xeerarka maanta la ansixiyay ay dowladdu waqti badan gelisay sidii ay xeerarkani u noqon lahaayeen kuwo sal u ah howlaha gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland.