AF-SOOMAALI

Gabadhii u horreysay oo Soomaali ah oo ka mid Noqotay Ciidanka Booliiska Edmanton, Canada


Gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqotay booliiska magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee dalka Canada, gabadhan oo haysata dhalashada dalkaas.

Amaal Cabdi, ayaa ka ahayd 30-askari oo Booliis ah oo Xalafad Qalin-jabin ahayd loogu Qabtay Magaalada Edmanton, Waxayna Amaal Noqonaysaa Gabadhii ugu Horreysay oo Soomaali ah taariikhda oo ka mid noqotay booliiska magaaladaas.

Sidoo kale, Amaal oo ku dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay Canada, waxaana soo dhaweeyay in ay ka mid noqoto Ciidamada Booliiska Magaaladaan. Xaawo Dhoorre oo ah Amaal Hooyadeed ayaa sheegtay in ay aad ugu Faraxsan tahay inay Amaal ka mid Noqoto Booliiska Edmonton.

“Runtii waan ku ugu faraxsanahay in gabadheyda Amaal Cabdi ay ka mid noqoto ciidanka Booliiska Edmonton. Muddo ayay Tabbabar kusoo jirtay wayna Qalin-jabisay, Sidoo kale muddo ayay si Mutadawanimo ah ku shaqeynaysay, iyagana ayaa ka dalbaday in booliiska ay ka mid noqoto Booliiska, wayna ka mid noqotay,” ayay Xaawo Dhoorre oo la hadlaysay Idaacadda VOA-da.

Dhanka kale, Taliyaha booliiska Edmonton oo isagana la Hadlay VOA-da, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dhankiisa inay booliska ka mid noqoto Amaal oo Soomaali ah.

“Innagu waxaan doonaynaa in jaaliyadaha magaalada ku nool ay booliiska magaalada ka mid noqdaan, si ay gacan uga geystaan ammaanka, ee ma jirto jaaliyad aan si gaar ah u raadinayno inay booliiska ku biiraan,” ayuu yiri taliyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay si gaar ah u raadinayeen Soomaalida inay ka mid noqdaan booliiska magaalada.

Ugu dambeyntii, Magaalada Edmonton ee waddanka Canada ayaa waxay ahayd Magaalo dhallinyarada Soomaalida aadka loogu dilo, iyadoo horay ay dhawr jeer ugu celcelin jireen in Soomaalidu ay ka mid noqdaan booliiska si ay ammaanka uga shaqeeyaan.