AF-SOOMAALI

Ga’aankii lagu hakiyay 18ka kursi ee loogu kordhiyay aqalka sare oo la soo dhaweeyay


Ururada iyo wakiilada dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii 29-kii bishan ka soo baxay madasha wadatashiga Qaran, kaas oo ku aadanaa in dib loo dhigay doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay xubnaha aqalka Sare ee dalka.

Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay u soo dhaweeyeen go’aanka ay madasha Qaran ku hakisay doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay aqalka Sare.

Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa horay u sheegay muhiimada in dib u eegis lagu sameeyo kordhinta kuraasta xubnaha Aqalka Sare, maadaama dastuurku dhigayo 54 xubnood oo aqalka Sare ah, iyadoo aan wax ka bedel lagu sameyn waxba lagu kordhin karin.

Madasha ayaa dib u dhigtay kuraasta dheeraadka ah ee lagu kordhiyay aqalka sare, kaddib markii baarlamaanku sheegay in ay dib u eegis ku sameyn doonaan sharciyada qodobkan, madaama dastuurka dhigayo in 54 xubnood oo kaliya ka koobnaan karaan xildhibaannada aqalka sare.