AF-SOOMAALI

FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Dagaallo Gallinkii dambe ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo


Ugu yaraan 10-qof ayaa ku Geeriyooday, tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo gellinkii dambe ee maanta ku dhex-maray Magaalada Gaalkacyo Ciidammo kala Taabacsan Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wariyaha HOL ee Gobolka Mudug, Abaadir C/qaadir Cilmi, ayaa sheegaya in Galabta uu ka dhacay Gaalkacyo Dagaal Culus oo la isku adeegsaday hubka Noocyadiisa kala duwan lahaa, dagaalkuna uu ka dhacay jihooyin kala duwan.

“Dagaalladii Galabta dhacay waxaa ku geeriyooday in ku dhaw 10-ruux, tiro kale oo aan la sheegi karinna way ku dhaawacmeen. Khasaaraha Dagaalladii galbata ka dhashay wuxuu u badnaa dhinacyadii dagaallamayay,” ayuu yiri Abaadir.

Sidoo kale, Dagaalladan ayaa ka dhacay jihooyinka; Koonfurta, Galbeedka iyo Waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo dagaalku uu joogsaday goor-dhaw, ciidammadii dagaallamayna ay weli is-hor-fadhiyaan.

Maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaan weli ka hadlin colaadaha soo laalaabatay ee ku dhex-maraya ciidamadooda magaalada Gaalkacyo, iyadoo dagaalladan ay ku geeriyoodeen dad badan oo ay shacab ku jiraan.

Ugu dambeyn, Dagaalka dib uga Qarxay Gaalkacyo ayaa imaanaya iyadoo la sheegay inuu jiro heshiis hordhac ah oo dhex-maray labadaan maamul oo lagu soo Af-jarayo Colaadaha labadii toddobaad ee u dambeeyay ka socday degmadaas.