AF-SOOMAALI

Faafaahin: Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga


Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryootay halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalladda Muqdishu.

Qaraxa ayaa ahaa ismiidaami waxaa uu dhacay xilli wada uu marayey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Jimcaale Cirfiid oo maanta xilka la wareegay.

Taliyaha ayaa ka badbaaday weerarka, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay ku geeryoodeen weerarka.

Dadka ku geeryooday qaraxa waxaa u badan dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca Hoomeyda ah oo rakaab ay saarnaa taas oo mareysay wadada xiligii uu qaraxa dhacaayay.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta Dowladda oo gurmad u fidiyay dadkii dhibaatadu ay soo gaartay.

Dhaawacyo badan ayaa la gaarsiiyay xaruumaha caafimaadka ee magaalladda Muqdishu, waxaana bukaanada ka mid ahaa dumar iyo gabdho yar-yar.

Sawirada Qaraxa ayaa muujinayay gawaari badan oo bur-bur gaaray.

Xarakadda Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidamada xoogga Soomaaliya iyo Abaanduulaha ciidamada xoogga, waxaana munaasabada ka qeyb-galay taliyaal ciidan iyo madax kale.

Dadka deegaaka ayaa Hiraan Online u xaqiijiyay in ay arkeen toban qof oo dhuulka jiifa.

Saraakiil ciidanka militeriga dowladda Soomaaliya ka tirsan oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.