AF-SOOMAALI

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo ka bilaabatay Kismaayo…


Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashada kursiga labaad ee aqalka sare qeybta Jubbaland , kaa oo ay ku tartamayeen Musharixiinta kala ah Axmed Xaashi Max’uud iyo Prof: Max’ed Cabdi Gaandi.

Gudoonka baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in musharax Axmed Xaashi Maxamuud uu helay codad dhan 40

Halka musharax Proff: Max’ed Cabdi Gaandi uu ka helay codad dhan 26

Gudiga doorashooyinka dadban ayaa shaaciyay in uu guuleystay musharax Axmed Xaashi Maxamuud

Waxay tani dhabar jab iyo lama filaan ay ku noqotay Maxamed Cabdi Gaandi oo la yaaban guul darrada ku habsatay qorshe muddo badan uu soo dhisayey.