AF-SOOMAALI

Dagaal culus oo mar kale dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo


Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goor dhaw mar kale uu dib uga qarxay galbeedka magaalada dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ku bilaawday madaafiic iyadoo intaa kaddibna la maqlayay rasaas culus oo ay isweydaarsanayan ciidammada labada dhinac ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka, sidda ay Hiiraan Online u sheegeen dad ku sugan Gaalkacyo oo aan xiriir la sameynay.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa maalintii shalay warbaahinta u sheegay in lagu dhawaaqay hishiis xabad joojin ah, islamarkaana saraakiisha ciiidamada labada dhinac amar lagu siiyay in ay xabada joojiyaan inta ka horeysa wadda hadallo la falayo in mar kale labada maamul yeeshaan.

Dadka qaar ayaa qaba in tallada magaalada Gaalkacyo labada madaxweyne midna ka go’in, marka la eego xaalada magaalada oo magan u ah dagaalo aan dhamaad laheyn.

Ugu danbeyntii, waxaa qorshuhu yahay in madaxda labada gobol, dowlada, QM iyo madax kale tagaan magaalada Gaalkacyo si xal looga gaaro dagaalada soo laalaabtay.