AF-SOOMAALI

Dagaal beeleed xalay ka dhacay degaan hoos yimaada gobolka Hiiraan


Ugu yaraan laba ruux ayaa geeryootay halka ku dhowaad 10 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal beeleed uu xalay ka dhacay degaanka Banyaley ee gobolka Hiiraan, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Xaaladda halkii lagu dagaallamay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhaawacyadii ka dhashay dagaalka la sheegay in ay ubadnaayeen dad rayid ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay is-qab-qabsi ku saleysan dhul daaqsin ah oo ku yaalla halka lagu dagaallamay.

Maamulka Gobolka Hiiraan wali kama uusan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degaanka.

Qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar laga soo wariyaa dagaallo ku saleysan mid qabiil, kaas oo inta badan ay ka dhashaan khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale, Ugu yaraan shan qof oo xoola dhaqata ah ayaa la rumeysanyahay in lagu dilay Tuulo u dhow degaanka Qeydaro ee Bariga Gobolka Mudug.

Dilka shanta ruux ayaa la aaminsanyahay in ay ka dambeeyeen koox maleeshiyaad ah oo weeraray tuulada.

Sidoo kale shalay magaalladda Muqdishu waxaa ka furmay shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa shrikaasi ka qeyb-galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Qodobada shirka looga hadlayo waxaa kamid ah sida ugu haboon ee xalka looga gaari karo khilaafyada soo kala dhexgala Soomaalida iyo in la helo dib-u-heshiisiin guud.