AF-SOOMAALI

Dad ka badan 20 ruux oo ku dhimatay qaraxii Isgoyska Zoobe ee Muqdisho


Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku naf waayey Qarax laga soo buuxiyey gaari xamuul ah oo saacado yar ka hor ka dhacay isgoyska Zoope oo ka mid ah isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 30 ruux oo shacab ayaa la xaqiijyey iney ku dhinteen qaraxan halka dad ku dhow 100 kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan saraakiisha Caafimaadka Isbitaalada iyo kuwa gaadiidka gurmadka bdeg deg ah.

Burbur aad u xoogan oo saameeyey dhamaan dhismayaasha hareeraha ka xigay isgoyska Zoope ayaa qaraxan uu geystay, kaasoo ah kii ugu xumaa ee magaalada ka dhacay, waxaana goobta oo dhan ay isu bedeshay mid argagax leh.

Dhismaha hoteelka Safari ayaa lagu soo waramayaa in uu dumay, waxaana la sheegayaa in dad badan ay ku hoos jiraan burburka, waxaana habeenimadan soconaya gurmad xoogan.

Sidoo kale wuxuu burbur uu soo gaaray xafiiska bisha Cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Isbitaalada magaalada qaarkood ayaa waxaa buux dhaafiyey dadweyne fara badan oo isugu jira kuwa eheladooda oo dhaawacmay ku soo baxay iyo qaar kale oo dhaawacyada iyo meydadka la geeyey ka baadi goobaha dad ay qaraabo yihiin oo ay baadi goobayaan.

Al-shabaab oo looga bartay qaraxyada noocan ah ayaan weli ka hadlin qaraxin, sidoo kale saraakiisha amaanka iyo madaxda dowlada dowlada ayaan iyana weli wax war ah ka soo saarin qaraxan oo noqonaya kii uguy burburka iyo khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca caasimada.