AF-SOOMAALI

Daawo Sawirada: Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo sanado badan kadib saakay dib loo furay


Wasaarada Amniga gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in dib loo furo Wado muhiim ah oo kutaala magaalada Muqdisho, Wadadan oo sanadihii lasoo dhaafay u xirneed arimo dhinaca amaanka ah.

Wadada la furay ayaa ah mida hormarta Guriga Shaqaalaha iskuna xirta Laamiyada Maka Al Mukarama iyo kan Wadnaha , waxaana wadana dhawaan lagu sameeyay dib u dhis iyadoona la saaray laami cusub.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib u furirda wadadan ay tahay mid muhiim u ah shacabka oo dhib badan ku qabay, waxaana wadadan ay sahleysaa in mashqulkii badnaa ka yareeso laamiga Maka Al Mukarama.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo tagay wadadan la furayay ayaa shaaciyay in hada waxii ka dambeeya ay furan tahay wadadaasi ayna dadku isticmaali karaan.

Wadadan oo ah mid Muhiim ah tagtana Isgooska KPP ayaa waxa ay u xirneed mudo sanado ah Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo degan Gurriga Shaqaalaha, waxaana dib u furista wadadan soo dhaweeyay shacabka Muqdisho.