AF-SOOMAALI

Daawo Sawirada jidadka magaalada Muqdisho oo maanta intooda badan xiran


JIDADKA magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa saakay intooda badan xiran, waxaana lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo sugaya aminga kuwaa oo gadiidka dadweynaha ka celinaya waddooyinka muhiimka ah ee aan la ogoleyn in la maro.

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in arintan u sameynayaan oo kaliya sugida amniga xarunta lagu qabanayo munaasabada dhaarinta xildhibaannada labada aqal oo la filay in ay ka qeyb-gallaan mas’uuliyinta ugu sareysa dowladda federaalka iyo saraakiil ka tirsan beesha caalamka.

Inkastoo gadiidka aan la ogaleyn in ay maraan jidadka xiran, haddana waxaa la arkayaa dad u badan ardey oo lugeynaya si ay u gaaraan xarumahooda waxbarashada iyo shaqo intaba.

Ugu danbeyntii, dadka reer Muqdisho ma’aha wax ku cusub marxaladan oo kale marka ay jiraan munaasabadaha waaweyn iyo xiliyada ay magaalada soo booqanayaan wafuud heerka caalami ah, taasoo ka dhigan arin ay iskala qabsadeen shacabka.