AF-SOOMAALI

Daawo Sawirada: Ciidamo aad u hubeesan oo la geeyay Xeebta Garacad


Maamulka Puntland ayaa ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Ciidanka Daraawiishta iyo Ciidanka Badda geesay Xeebta Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay xoojiyaan amaanka deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan Deegaanka Garacad xeebteeda oo laga cabsi qabo in ay kasoo gudbaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada Badda maamulka Puntland oo wata Doonyo aad u dheereeya ayaa lagu arkayaa xeebaha Deegaanka Garacad, waxaa sidoo kale gudaha Deegaankaasi ku sugan ciidamo kale oo aad u hubeesan.

Saraakiisha hor kaceysa ciidamadan ayaa sheegay in ciidamadan loogu tala galay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga deegaannada Puntland iyo sidoo kale in ay ka hortagaan in aagaasi kasoo gudbaan kooxo falal amaan daro abuuri kara,

Dagaalyahano aad u hubeesan katirsanaa Al Shabaab ayaa sanadkii hore ka degay Xeebta Garacad, waxaana dagaalyahanadaasi dagaal adag kala kulmeen Ciidamada Puntland kuwaa oo gacanta ku dhigay qaar badan oo kamid ahaa .