AF-SOOMAALI

Ciidamada Puntland iyo burcad badeedii heesatay markabka shidaalka oo dagaallamay


Wararka ka imanaya Puntland, gaar ahaan xeebaha Caluula ee gobalka Bari waxa ay sheegayaan in halkaas maanta ay ku dagaallameen ciidamada badda Puntland iyo koox burcad-badeed oo dhawaan xeebaha Soomaaliya ka qafaashay markab shidaal si

Dadka deeganka ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kaddib markii ciidamada badda Puntland ay rasaas ku fureen doonni sahay u waday burcad-badeeda gacanta ku haya markabka iyo shaqaalaha la socda oo hadda ku sugan xeebta Caluula.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hub culus wixii ka dambeeyay Salaadii Duhur ee maanta.

Inta la ogyahay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka labada dhinac kuwaasoo suganaa deeganka Xaabo oo xabbadu soo gaartey.

Ma jirto wax khasaaro oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay sidoo kale ma jirto wax yeelo soo gaartey shaqaalaha la socda markabka.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu hadda is taagay, waxaana socda waan-waan ku aadan sidii wadahadal loogu dhammeen lahaa gacan hadalka dhacay.

Maamulka degmada Caluula iyo Odayaal deeganka ayaa sheegay in ay arrintan ku dhammeen doonaan is afgarad iyadoo wax dagaal ah la qaadin si loo soo furto shaqaalaha iyo markabkaba.

Burcad-badeeda ayaa horrey ugu goodiyey haddii la soo weerarro in ay dili doonaan shaqaalaha saaran markabka, waxaana taas ay keentay in hakiyaan duulaanka ciidamada Puntland ay ku qaaddi lahaayeen burcad-badeedka qafaashay markabka.

Xaley ayaa lala hadlay dhallinyarada soo afduubtey markabka iyo shaqaalaha balse waa la isku fahmi waayey waxaana loo ballan sanaa saaka in la wadahadalo balse dagaalkan ayaa dib u dhigay.