AF-SOOMAALI

Ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Badhaadhe


Ciidamada Jubaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo ka tirsan kuwa Mareeykanka ee ku sugan gobollada Jubooyinka ayaa saaka aroortii gacanta ku dhigay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, kadib weerar qorsheeysan oo ay degmadaasi ku qaadeen.

Ciidamada ayay u suurogashay in ay la wareegaan degmadaasi kadib iska horimaad kooban oo duleedka magaalada ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Xasan Aadan Max’ed oo kamid ah saraakiisha ciidamada Jubaland ee deegaanada Jooraha ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay saaka aroortii weerar qorsheeysan la beegsadeen degmada Badhaadhe, isagoo sheegay in ay si buuxda ula wareegeen degmadaasi.

“Ciidamada Jubaland kuwa AMISOM iyo ciidamo caalami ah ayaa saaka weerar ku qaaday degmada Badhaadhe, waxaana ku guuleysannay in aan degmadaasi ka nadiifinno kooxaha nabad diidka ah ee mudada dheeri go’doominayay,” ayuu sarkaalkan hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in Al-shabaab ay weerarkaasi uga dileen 7 askari, isagoo xusay in dhankooda uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarkaasi.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarka oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Badhaadhe bartamihii Bishii Janaayo ee sanadkii tagay ee 2016, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubaland.