AF-SOOMAALI

Biyo la’aan baahsan oo ka jirta Berbera


Magaalada Berbera ayaa waxaa ka jirta biyo la’aan baahsan gaar ahaan xaafadaha qaar.

Xaafada Finland ayaa aad looga cabanayaa biyo la’aanta ayadoo ay ka mid tahay xaafadaasi qeybaha ay biyo la’aantu sida aadka ah u saamaysay.

Xaafadaa yaa qasabado ama tuubiyoon leh balse wax biyo ah malahan oo waa ay qalalan yihiin muddo bilooyin ah. Dadka ayaa haatan biyo kaiibsada booyado biyaha kasoo dhaamiya meelo fogfog.

Muddo dheer ayaa ay taagneyd xaalada biyo la’aanta ama biyo yarida ah ee magaaladaa gaar ahaan xaafadaha kala ah Burco, Sheikh, Finland, Shacabka iyo Wadajir.