GLOBAL NEWS

Beesha Caalamka oo si Wadajir ah u soo dhaweysay dhisida Golaha Baarlamaanka Jubbaland


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub, howl-alka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Maraykanka iyo Britain ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba.

Beeha Caalamka ayaa ku baaqeen in wada-xaajood dheeraad ah la yeesho si loo xaqiijiyo in dhammaan qabaa’ilka iyo kooxaha laga tirada badan yahay ee gobollada Jubbooyinka kasoo jeeda ay dareemaan inay qayb ku leeyihiin dhismaha baarlamaankan.

“Waxaan soo dhaweynaynaa horumarka muhiimka ah iyo dhismaha golaha baarlamaanka Jubbaland. Waxaan maamulka KMG ah ee Jubbaland ugu baaqaynaa inuu la kaashado dowladda federaalka Somalia si loo xalliyo wixii arrimo ah oo geeddi-socodka ka dhashay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen xubnaha Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamay dhismaha baarlamaankan tallaabo wax ku ool ah oo muhim u ah hir-gelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii Agoosto 2013-kii, geeddi-socodka dhismaha dowlad-goboleedka Jubba iyo dhismaha Soomaaliya oo federaalka ah.

Xaqiijinta geeddi-socod caddaalad ku dhisan oo loo wada dhan yahay waxay gacan ka geysan doontaa dhisidda bulsho nabad ah oo caddaalad ku dhisan oo tusaale lagu daydo u noqon karta dalka intiisa kale.

“Waxaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG Jubba ku ammaanaynaa qaybta ay ka qaateen dhisidda baarlamaan-goboleedka Jubbaland,” ayay beesha caalamku hadalkeeda ku dartay.