GLOBAL NEWS

Baarlamaanka Jubaland oo la qeybsaday iyo J/dhexe oo Taariikh cusub yeelatay.


Kismaayo ( Afdheer ) Sida ay xaqiijiyeen DG Jubaland waxaa dhammaaday qeybsigii xildhibaanada 15 degmo oo ay Jubaland ka kooban tahay.

Degmada Kismaayo oo ugu dambeysay ayaa loo qeysaday :

2 xildhibaan Harti

1 xildhibaan Absame, Sade, Cowrmale, Gaaljecel, shiiqaal, Baajuun, Jareer, ………

Waxaa jira degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo aan weli isku waafaqin beeluhu siday u qeybsan lahaayeen.

Qaabka loo qeybiyey gobolka jubbada dhexe ayaa meesha ka saaray gobolka jubbada dhexe oo loo yaqiiney gobol Absame kadib markii uu Absame kasoo helay 7 xildhibaan.

Shaxdan cusub ee Maarso 2015 kadib wuxuu gobolka j/dhexe noqon doonaa gobol xitaa 50% aysan laheyn beesha Absame, taasoo la micne ah gobolada jubbooyinka oo ay Absame sheegi jireen inay inta badan degaan ay ka noqon doonaan saddex meelood hal (1/3).

Xildhibaanada Jubaland ayaa noqon doona 15×4= 60+5 Kismaayo = 65 waxayna beesha Absame heli doonaan qiyaas ah 18-19 xildhibaaN.

Dowlad goboleedka Jubaland wuxuu J/dhexe u aqoonsatay qiyaas 37% inay Absame ka deggan yihiin.