AF-SOOMAALI

Axmed Madoobe : Ma’aha in waqti badan lagu lumiyo tartan siyaasadeed u dhaxeeya madaxda dowladda


Madaxweynaha dowlad gobolleedka Juballand Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ka digay deganaan la’aan siyaasadeed iyo is qab qabsi danbe oo madaxda dowladda u dhaxeeya.

Isaga oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga Labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayuu sheegay xiliga aan loo baahneyn mooshin ka dhan ah xukuumadda hadda jirta.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliya ay u baahan yihiin xasilooni Siyaasadeed islamarkaana si wada jir ah loog shaqeeyo hormarka dalka.

‘’Xildhibaanku haddii uu waajibkiisa shaqo gudan waayo oo waqtigiisa oo idil uu ku lumiyo mooshin iyo xukuumada laga daba shaqeeyo waxba yeeysan faraha nagu soo taagtaagin, waxaa dhici karta in Annagana aan sharuucda ilaalin weyno’’ ayuu yiri Axmed Mdoobe.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay xildhibaannada baarlamaanka in ay meel mariyaan sharciyada muhiimka ah ee hor yaala, gaar ahaan kuwa quuseeya amniga oo ah baahida ugu weyn ee dalka ka jirta