AF-SOOMAALI

Al-shabaab oo laba Macallin kasoo Af-duubtay Degmada Mandheera ee Waqooyi-bari Kenya


Sabti, Abriil 25, 2015 — Dabley ka tirsan Al-shabaab ayaa ka afduubay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ku dhow xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan laba macallin oo Keenyaan ah.

Guddoomiyaha Mandheera, Alex Nkoyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay labada macallin ee la afduubay, iyadoo aan la shaacin magacyada labada macallin ee la afduubay iyo goobta laga afduubay midna. “Afduubku wuxuu dhacay 4:00 habeennimo ee xalay, baaritaan ayay ciidamadu ku wadaan falkan dhacay,” ayuu yiri Nkoyo oo intaas ku daray in labada macallin oo dhigayay dugsi dhexe aysan ahayn kuwo Mandheera kasoo jeeda, faahfaahin intaas ka badanna ma bixin.

Sidoo kale, warar ka madax-bannaan kuwa guddoomiyaha Mandheera ayaa lagu sheegay in labada macallin laga afduubay guryahooda, ayna kooxihii afduubay ay ula gudbeen dhinaca Soomaaliya. Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalmo kaddib markii kooxo ka tirsan Al-shabaab ay dileen guddoomiyihii deegaanka Carabiya, Mukhtaar Otieno, kaddib markii la siin waayay madaxfurasho lacageed oo ay dowladda Kenya ka dalbadeen.

Al-shabaab ayaa sannadkii hore ku dilay duleedka degmada Mandheera 28-qof oo u badan macallin, kuwaasoo ka tagay magaalada Gaarisa kuwaasoo kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka hadlin af-duubka magaalada Mandheera ee dalka Kenya loogu geystay xalay macalliniintan, iyadoo weli aysan madaxda Mandheera weli ka soo saarin warbixin ku saabsan halka ay macallintaasi ku dameeyaan.

Si kasta ha ahaatee, boqollaal macallin oo ka howlgeli jiray deegannada gobolka Waqooyi-bari sida Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer isaga cararay; kaddib markii ay soo xoogeysteen weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayso gobolkaas.