GLOBAL NEWS

Yusuf Garaad oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Qaabilsan Qaramada Midoobay


Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday Yusuf Garad Cumar Madaxa joogtada ah ee Ergada Somalia ee Xarunta Qarammada Midoobay ee New York ee dalka Marykanka.

Magacaabistan waxaa HOL u xaqiijiyey Yusuf Garaad Cumar Axmed – oo hadda ku sugan Magaalada Moqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Danjire Yusuf Garaad oo horay madax uga ahaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda, ayaa wuxuu beddel idoonaa danjire Dr. Climi Ducaale oo in ka badan 10 sano Soomaaliya safiir uga ahaa Qaramada Midoobay (QM).

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu Sannadkii 2012-kii, isku soo Sharraxay jagada Madaxtinimada Soomaaliya, balse wuxuu ku guul-darreystay.

Sidoo kale, Intaan loo magacaabin xilkan cusub, Yusuf Garaad wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala talin jiray dhanka Warbaahinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar, ayaa tariikh dheer ku leh warbaahinta Soomaaliya isaga oo si weyn loogu Xasuusto Doorkii uu ka qaatay inuu madax ka ahaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Ugu dambeyn, Wuxuuna ahaa Shaqsigii Soomaaliyeed ugu dambeeyey ee Madax ka noqda Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da