GLOBAL NEWS

Xuku­umadda So­ma­lia oo Go’aano ka­soo Saar­tay Shirkadaha dhex-deggen Ga­roonka Muqdisho


Ku­lan ay go­laha wasi­irada So­ma­lia maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa looga Dal-ba­day Shirkadaha Dhex-dag­gan Ga­roonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho inay iska bixiyaan can­shu­u­raha lagu leeya­hay, taa­soo ka­soo bil­laa­ban doonta markii ay degeen goobaha ay hadda deggen yi­hiin.

Wasi­irka Gadi­idka iyo Du­ulista Hawada So­ma­lia ayaa Ku­lanka ka jeediyay War­bixin ku aad­dan shirkadaha ka howl-gala gu­daha Ga­roonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho, kuwaa­soo qaarkood sameystay dee­gaanno u gaar ah, halka kuwa kalena ay degeen goobo ay leey­hiin Wasaaradaha xuku­umadda Qaarkood, iyadoo xub­naha go­laha wasi­ir­rada ay dood-dheer kaddib isku raaceen qodob­bada soo socda.

  1. Si loo waafa­jiyo nidaamka hay’adda caalamiga ah ee du­uli­maadka rayidka ICAO waa in laga fu­jiyo siligga ku wa­reegsan mee­sha diyaaraduhu ku­soo da­gaan ama ka du­u­laan.
  2. Goluhu wuxuu farayaa Wasaaradaha ku shaqada leh ar­rin­tan in shirkadaha dhex-deggen xayn-daabka Ga­roonka laga qaado ki­rada dhulka ay ku shaqeystaan; wax­aana laga soo bil-laabayo waqtiga ay degeen.
  3. Goluhu Wuxuu farayaa Wasaar­daha How­s­hoodu tahay dib u eegista Am­niga Ga­roonka diyaaradaha iyo aga­gaarki­isa, Wux­u­una si gaar ah u farayaa in deg-deg wax looga qabto wixii amni-xumo keeni kara.
  4. Goluhu Wuxuu Farayaa Wasaar­daha Maaliyadda, Ganac­siga iyo War­shadaha inay wixii khid­mad can­shuur ah oo ku waa­jib­tay Shirkada­haas in­tii ay De­ge­naay­een Ga­roonka si deg-deg ah looga soo xa­reeyo.

Sidoo kale, Go­laha Wasi­ir­rada ee Manta ayaa waxay uga hadleen Ar­rinta Baar­laa­maanka Jubba, Qax­ootiga Yemen, mideynta Qor­shaha Qaranka. Iyadoo Wasi­ir­rada ay ka doo­d­een baar­la­maanka cusub ee Jub­ba­land, iya­goo tix-gali­naya cabashooyinka ay muu­ji­nayaan qaar ka mid ah dadka dee­gaanka, wax­aana goluhu go’aamiyay qodob­badan:

  1. Goluhu Wuxuu isku raa­cay in loo saaro Guddi dib u eegis ku sameeya Cabashooyinka ka­soo yeer­aya baar­la­maanka cusub ee maa­mulka Jubba, Gudi­gaas oo daraasad ku samayn doonaa waxay dadku ta­banayaan, kadd­ibna wuxuu ku­soo celi­nayaa go­laha Wasi­ir­rada.
  2. Gudig­gan wuxuu la Fari­isan doono Cid walba oo ay Khusayso ar­rin­taan, Wux­u­una soo gud­bin doonaa Talooyin ku Aad­dan sida ugu Hab­boon ee xal mi­daysan Cabashooyinkaas looga gaari karo.

Dhanka kale, Go­laha Wasi­ir­rada ayaa ka had­lay dhibaa­tooyinka Qax­ootiga Soomaaliy­eed ku haysta Yemen, wax­ayna go’aamiyey in xu­bin kasta oo go­laha ka mid ah uu ku tabaruco lacag gaaraysa 1,000 dool­lar, taa­soo lagu maa­muli doona gudigii ku howlan gur­madka loo fid­i­nayo Qox­ootiyada ka­soo cararaya Ye­man, Wax­aana Dhaqaale Urur­inta loo Xil-saaray Ra’i­isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya,Max­amed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Go­laha ayaa War­bixin ka dhageystay Wasiir ku xigeenka Qor­shaynta oo ay Wasaarad­di­isu Waddo Bar­naamijka Mideynta Qor­shaha Qaranka, Wax­aana Qor­sha­haas ka mid ah in (New Deal) uu no­qdo qor­she Qaran oo ay dowladdu hog­gaam­i­nayso, iyadoo laga du­u­layo baahida sha­cabka, wasaaraduhuna waxay soo gud­bi­nayaan baahi­hooda si ay ula jaan-qaadaan, Wax­aana qor­shan qayb ka no­qon doono bul­shada rayidka ah, dhalin­yarada iyo maa­mu­lada ka jira dalka.