GLOBAL NEWS

Xukuumadaha Turkiga iyo Somalia oo Maanta Heshiisyo Dhawr ah ku kala Saxiixday Muqdisho


Xukuumadaha Turkiga iyo Somalia, ayaa Maanta ku kala Saxiixday Muqdisho illaa 10 Heshiis oo isugu jira; kuwo Ganacsi, Maal-gashi iyo Iskaashi Millateri, Waxaana u saxiixay dalka Turkiga Madaxweynahooda, RECAP Tayyip Erdogan, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweyne, Xasan SHEEKH Maxamuud.

Heshiisyadan, ayaa waxaa ka mid ah; In dowladda Turkigu ay Mashaariic cusub oo hor leh ka fuliso Soomaaliya iyo inuu sii wadayo taageerada uu siiyo Soomaaliya. Waxaa kaloo ka mid ah; In Turkigu uu Tababar siinayo Ciidamada Somalia, isla markaana uu Xero Tababar lagu siinayo ciidamada Somalia uu ka dhisayo Muqdisho.

Waxaa kaloo, ka mid ah Heshiisyada ay Maanta ku kala Saxiixdeen Muqdisho Turkiga iyo Soomaaliya, Iskaashi dhanka Warbaahinta ah, waxay labada Madaxweyne oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay ay sheegeen in Heshiisyadaan ay qayb ka yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada Dowladood.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Waddamada Turkiga iyo Somalia, ayaa waxay shirkooda jaraa’id ku sharraxeen Xiriirka u dhexeeya labada dowladood, kaasoo ay sheegeen inay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan.

“Waxaa naga go’an inaan sii wadno Taageerada aan siinno Somalia,” ayuu Shirka jaraa’id ka sheegay Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan. Isagoo Ammaanay horumarka ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Ammaanay Taageerada uu Turkigu siiyo Somalia, isagoo yiri. “Taageerada Dowladda Turkiga ay Somalia siinayso waa mid kusoo beegantay Xilli Dalku uu kasoo kabanayo Colaado sokeeye, waana mid aan ammaanayo.”

Xukuumadda Turkiga, ayaa Somalia horay uga wadday mashaariic kala duwan oo u badan dhinaca horumarka iyo dib u dhiska, waxaana Turkigu uu Dowladda Somalia ku taageeraa lacago kaash ah, si ay Dowladdu ugu isticmaasho hawlaheeda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan oo booqashadii Saddexaad Maanta ku yimid Muqdisho, ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay Maalin ka hor la beegsatay Hoteelka Ambassador, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 20-qof oo ay ku jireen xildhibaanno.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga ayaa wuxuu horay u soo maray Uganda iyo Kenya oo ay Ciidammo kaga sugan yihiin Somalia, isagoo madaxda Dalalkaas kala hadlay sidii loo xoojin xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Waddamadooda.