GLOBAL NEWS

Xubno ka soc­day San­du­uqa Xas­il­inta So­ma­lia ee SSF oo Maanta soo gaaray Kismaayo


Xubno ka soc­day San­du­uqa xas­il­inta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray ma­g­a­al­ada Kismaayo, iya­goo ko­rmeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maa­mulka Jub­ba­land ee ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Xub­na­han ayaa goobaha ay booqdeen waxaa kamid ah xarunta tele­fishinka dowladda Jub­ba­land, xarunta rugta ganac­siga iyo war­shadaha Jub­ba­land ee JCCI iyo weliba xarunta sameynta aqoon­siyada shar­ciga ah ee Smart Tech­nol­ogy ee ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Xub­naha ayaa waxaa wehli­nayay gu­doomiyaha rugta ganac­siga iyo war­shadaha Jub­ba­land ee JCCI, wax­ayn soo ma­reen dham­maan xafi­isyada ay ka kooban­ta­hay rugta, iya­goo war­bix­inno ka dhageystay ma­su­uliyi­inta ka howl­gala xafi­isyadaasi.

In­taa kadib waxa ay xub­na­hani booqdeen xafi­isyada uu leeya­hay tele­fishinka Jub­ba­land, iya­goo war­bix­inno ku saab­san howlaha shaqo ee Tv-ga ka dhageystay C/​naasir Sax­an­soxo oo ah agaasimaha Idaa­cadda la iska arko ee Jub­ba­land.

San­du­uqa So­mali Sta­bil­ity Fund ayaa ah San­duuq ay dhaqaale ku bi­iriyaan deeq bixiyeyaal badan oo caalami ah, kaa oo Soomaaliya ka taageera arimaha la xiri­ira nabadda iyo xas­iloonida dalka.