GLOBAL NEWS

Xildhibaanno ku Dhintay Weerarkii Hoteel Ambassador iyo Khasaaraha oo Kordhay


Tirada dadkii ku Geeriyooday weerarkii ay sheegatay Al-shabaab ee Gellinkii Dambe ee maanta oo Arbaco ah lala beegsaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho, iyadoo gaartay 15-qof, waxaana ka mid ahaa laba xildhibaan oo baarlamanka Federaalka Soomaaliya ka tirsanaa.

Xildhibaannada ku Geeriyooday Weerarkan ayaa waxay kala yihiin; Maxamed Maxamuud Guure iyo C/llaahi Jaamac oo isku meel lagu dilay, Waxaana sidoo kale dadka geeriyooday ka mid ah saddex ka tirsanaa ilaaladii Hoteelka.

Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa kor u dhaafaya 50-qof, kuwaas oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho iyadoo agaasimaha Isbitaal Madiina Dr. Maxamed Yuusuf uu sheegay in Dhaawacyo badan lasoo Gaarsiiyay, ayna Qaarkood ku sameeyeen Qalliinno kala duwan.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana weli Gudaha Hoteelka ku jira Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Inkastoo ay kula jiraan Ciidammo Dowladda Somalia ka tirsan, kuwaasoo la dagaalamaya kooxaha hubeysan.