GLOBAL NEWS

Xild­hibaan ka tir­san Baar­la­maanka Punt­land oo lagu di­lay Ma­g­a­al­ada Gaalka­cyo ee Gob­olka Mudug


Xild­hibaan ka tir­sanaa baar­la­maanka Punt­land ayay kooxo hubeysani ku toog­teen xalay Waqooyiga ma­g­a­al­ada Galka­cyo ee xarunta gob­olka Mudug.

Mu­dana­han ka tir­sanaa baar­la­maanka Punt­land ee la di­lay ayaa ma­g­a­ci­isa lagu shee­gay, Saciid Xuseen Nuur, wax­aana koox­aha hubeysani mar uu ka soo baxay masjid uu salaad ku­soo tuka­day.

Koox­aha hubeysan ayaa la shee­gay inay dilka xild­hibaanka u adeegsadeen bam-gacmeedyo iyo rasaas ay ku fureen, iyadoo uu la dhi­nay mid ka mid ah ilaal­adi­isii gaarka ahaa.

Ci­idamada Punt­land oo goobta gaaray ayaa weli ku gu­u­leysan inay koox­i­hii dilka xild­hibaanka geystya soo qab­taan, iyadoo tan iyo xalay ay howl­gallo ka socdeen xaafadda dilka loo geystay xild­hibaanka.

Xild­hibaanka la di­lay ayaa laga soo door­taa dee­gaanka Burtinle ee gob­olka Nu­gaal, is­a­goo mud­dooyinkii dambe ku sug­naa ma­g­a­al­ada Gaalka­cyo oo la shee­gay inuu howlo shaqo u joogay.

Ugu dambeyn, xild­hibaan Siciid Xuseen ayaa no­qon­aya xild­hibaankii labaad oo laga dilo baar­la­maanka Punt­land san­nad­kan 2015-ka, iyadoo bishii la­soo dhaafay Muqdisho lagu di­lay xild­hibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa xub­naha baar­la­maanka Punt­land.

Si kastaba ha ahaa­tee, ma jirto il­laa hadda cid shee­gatay dilkan, balse inta badan falalka noocan oo kale ee ka dhaca Punt­land ayaa waxaa shee­gata Al-shabaab.