GLOBAL NEWS

Xild­hibaan Hore oo Maanta lagu Di­lay Gu­daha Su­uqa Bakaaraha iyo Al-shabaab oo Shee­gatay


Kooxo hubeysan ayaa maanta ku di­lay Su­uqa Bakaaraha ee Muqdisho, xild­hibaan ka tir­sanaa baar­la­maankii KMG-ka ahaa ee So­ma­lia hore, iyadoo mas’u­uliyadda dilka xild­hibaankan hore ay shee­gatay Xarakada Al-shabaab.

Xildhibaankan hore ee lagu dilay Suuqa Bakaaraha ayaa lagu magacaabi jiray, Xaaji Cali Aadan waxaana lagu dilay agagaarka Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo aan weli la ogeyn sababta loo dilay xildhibaanka ka tirsanaa baarlmaankii hore ee Soomaaliya. Goob-jooge ku sugan goobta uu dilka xildhibaankan hore ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka dhowr xabadood looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, iyadoo ay goobta gaareen ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

“Dilka mas’u­ulkan waxaa geystay laba ruux oo bas­toolado wata, wax­aana toogashadu ay ka dha­cay qaybta Cab­dalla Shide­eye ee Su­uqa Bakaaraha, wax­aana marx­u­umka la di­lay lagu ma­g­a­caabi ji­ray Xaaji Cali Aadan,” ayuu yiri goob-jooge halkaas ku sug­naa.

Ci­idankii booli­iska So­ma­lia ka tir­sanaa ee goobta gaaray ayaa shee­gay inay gacanta ku­soo dhigeen koox­i­hii geystay dilka xild­hibaankii hore ee baar­la­maankii KMG-ka ahaa So­ma­lia ka tir­sanaa.

Al-shabaab ayaa sax­aafadda taageerta ku shee­gatay in dilka xild­hibaankan ay iyagu mas’uul ka yi­hiin dilka xild­hibaankan oo ay sheegeen inuu ka tir­sanaa xild­hibaan­nadii baar­la­maankii KMG ahaa ee xil­ligii madaxweyne C/​llaahi Yu­usuf Axmed.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa wuxuu qayb ka no­qon­ayaa di­lal ay dhawaana­han Muqdisho ka geysanay­een xubno ka tir­san Al-shabaab, wux­u­una dilkan ku­soo beeg­mayo xilli maalin ka hor ay deg­mada Wada­jir ee gob­olka Ba­naadir ku dileen kooxo bas­toolado ku hubeysan mid ka mid ah saraaki­isha mil­la­teriga Soomaaliya.