GLOBAL NEWS

XIL. GOODAX: Mooshinka lama Tu­uri karo, Wax­aana soo Band­hi­gay­naa Caddeymaha aan Haynno


Xild­hibaano ka tir­san baar­la­maanka Soomaaliya ayaa ka­soo hor­jeestay go’aankii ka­soo baxay gud­doonka Baar­la­maanka ee lagu shee­gay in la­soo af­jaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxwey­naha DFS Xasan Sheekh Max­a­m­uud.

C/​llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xild­hibaanada Mooshinka ka keenay Madaxwey­naha ayaa shee­gay in­aan la tu­uri karin mooshinka, isla markaana go’aanka Gud­doonka uu ya­hay mid xild­hibaan­nadu aysan u dhameyn oo ahaa mid Gud­doomiyaha iyo Madaxwey­naha ku kooban.

“Go’aanka ka­soo baxay Gud­doomiyaha Baar­la­maanka SOomaaliya Wax macno ah oo uu ku fad­hiyo ma jirto, mana ahan mid wax ka be­de­laya wixii soc­day, mana ahan wax si sa­hal ah looga dulqaadi karo qof, waa masiir um­mad­deed, Wax ka ji­rana ma ji­raan, cid u Aqbali doon­tana ma jirto,” ayuu yiri Goodax oo u war­ra­may BBC-da.

Sidoo kale, Xild­hibaan C/​llaahi Goodax ayaa in­taas ku daray. “Gud­doonka Baar­la­maanku uma dhama dhama waa hub­naa; wax­aa­nuna waa wax Madaxwey­naha iyo Gud­doomiyaha ay mood­een inay wax xali­nayso, run­tii xild­hibaan­nada niyad-samida muu­jiyay ee rabay waxan had­dii garawshiyo uu ka bixiyo laga wada-xaa­joodo, baaq ayayna xild­hibaanada ka­soo saari doon­aan Mowqifkooda.”

Mar la wey­di­iyay inay ka Qayb-galayaan Wada­hadalka uu ku baaqay Gud­doonka BFS ee ah la isugu imaanayo 07-da Ok­too­bar ee san­nad­kan ku­lan ayuu Xild­hibaan Goodax kaga jawaabay.

“Sida aan qabo wada­hadalka kuma qas­banin, mana tageyno Xild­hibaan­nada ayaana go’aan ka gaaraya, Gud­doomiyaha ar­rin­tan dhex-dhexaad kama ahan, wuxuu leeya­hay waa la­soo af-jaray jir­i­taanka mooshinka, had­dii mooshinka la soo af-jaray waxaa laga wada­had­layo maxay tahay.”

Dhanka kale, Xild­hibaan C/​llaahi Goodax Barre oo la wey­di­iyay sida ay u arkaan tu­urista la tu­u­ray mooshinka ayuu xusay in­aan mooshinka la tu­uri karin, isla markaana mooshinka Madaxwey­naha DFS uu ya­hay mid cu­lus, isla markaana aanu ahayn wax war­qad lagu tu­uri karo.

“Qa­reenadeena waxay goor-dhow u soo qori doon­aan Gud­doonka Baar­la­maanka qo­raal ay ugu shee­gayaan ta­laabada ay qaadi doon­aan, wax­aana um­maddu baran doon­aan wax aysan ho­ray u aqoon. Caddeymaha aan hay­nana dhawaan ayaan soo band­higi doon­naa In­ter­net-ka,” ayuu yiri Xild­hibaan Goodax.

Ugu dambeyn, Gud­doonka Baar­la­maanka Soomaaliya ayaa shee­gay in 07-da Ok­too­bar la qaba doono wada­hadal lagu dhamey­nayo ar­rimaha mooshinka, iyadoo ku­lanka ay ka­soo Qayb-galayaan, Madaxwey­naha, Gud­doomiyaha Baar­la­maanka, Ra’i­isul Wasaaraha iyo Xild­hibaanada Mooshinka keenay.