GLOBAL NEWS

XIL. GOODAX: Dhis­maha Maa­mulka Gob­ol­lada Hi­iraan iyo Shabeel­lada Dhexe waa Sharci-darro


Xild­hibaan Cab­dul­laahi Goodax Barre oo ka mid ah xild­hibaan­nada baar­la­maanka So­ma­lia ee wax ka saxi­ixay mooshinka madaxwey­naha laga keenay ayaa sharci-darro ku tilmaa­may wad­dada ay u dowladdu doon­ayso inay u marto dhis­maha maa­mulka gob­ol­lada Hi­iraan iyo Shabeel­lada Dhexe.

Goodax ayaa shee­gay in dowladda So­ma­lia aysan ku bixin wax dadaal ah sidii lagu dhisi la­haa maa­mulka labadan gobol; sida ay dadaalka dheer­aadka ah ugu bix­isay dhi­masha maa­mul­l­lada Koon­fur-gal­beed iyo kan gob­ol­lada dhexe ee Gal­mudug.

“Gob­ol­lada koon­fur-gal­beed waxaa ka ji­ray dad kala aamin­sanaa sadex gobol & lix gobol, dowlad­duna way la hadashay, sidoo kale gob­ol­lada dhexe waxaa la­gala tasha­day ar­rimaha maa­mul u sameynta maa­mulka Xi­man iyo Xeeb, kan Ahlusunna & Maa­mulkii Gal­mudug; halka ar­rimaha gob­ol­lada Shabeel­lada dhexe & Hi­iraan la­gala tasha­day labada gud­doomiye oo ke­liya,” ayuu Goodax ku yiri hadal uu war­baahinta Muqdisho si­iyay.

Sidoo kale, xild­hibaan Goodax ayaa hore dhali­ilo ugu soo jeediyay dowladda FS, is­a­goo ka mid ah xild­hibaan­nada sida aadka ah u di­id­dan in laga wada­hadlo mooshinka ka dhanka ah madaxwey­naha So­ma­lia ee la doon­ayo in si wada­hadal ah lagu dhameeyo.

Ugu dambeyn, hadalka xild­hibaanka ayaa imaanaya iyadoo maa­mul u sameynta gob­ol­lada Hi­iraan iyo Shabeel­lada dhexe ayay dib-u-dha­cyo aan ho­ray loo ogeyn ku yi­maadeen; iyadoo aan la ogeyn weli xil­liga uu shirka lagu dhisayo furmi doono.