GLOBAL NEWS

XAGAA: Ma jiro dagaal dhax-maray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland


Wasiir-u-dowlaha wasaaradda gaashaan-dhigga DF Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubbaland.

Qoraalka wasiir-u-dowlaha ayaa lagu yiri. “Sidaad ogsoon tihiin ciidanka xoogga dalka ee saldhigga 43-aad ee ku yaalla Kismaayo waa ciidamada ugu horreeya ee la isku-dhafayo, kana kooban kuwo laga kala keenay dhammaan degmooyinka gobalka Jubbadda Hoose. Waxaa isku-dhafkooda qayb weyn ka qaatay madaxda dowladda federaalka Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, wuxuu wasiir-u-dowluhu mar kale yiri bayaankiisa. “Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland waxaa ka dhaxeeya wada-shaqeyn iyo iskaashi aad u wanaagsan, waxayna heegan u yihiin difaaca dalkooda iyo soo celinta amarka iyo kala dambeynta.”

Waxaana sidoo kale lagu yiri qoraalka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, meel kastoo ay ku sugan yihiin kuma lug yeelan karaan wax ka baxsan waajibka Qaran ee saaran. Sidaas darteed waxaan caddeynayaa buu yiri inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in 02-dii bishaan Oktoobar, 2015-ka uu dagaal dhax-maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka jubbaland.

Ugu dambeyn, wasiir-u-dowle Xagaa ayaa uga mahad-celiyay mas’uuliyiinta Qaranka iyo maamulka Jubbaland wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin ciidanka xoogga dalka.