GLOBAL NEWS

XA­GAA: Ma jiro da­gaal dhax-maray ci­idamada xoogga dalka iyo kuwa Maa­mulka Jub­ba­land


Wasiir-u-dowlaha wasaaradda gaashaan-dhigga DF Soomaaliya, Max­amed Cali Xa­gaa ayaa war-sax­aafadeed uu maanta soo saaray ku shee­gay in­aysan jirin wax da­gaal ah oo dhex­maray ci­idanka dowladda So­ma­lia iyo kuwa maa­mulka KMG ah ee Jub­ba­land.

Qo­raalka wasiir-u-dowlaha ayaa lagu yiri. “Sidaad og­soon ti­hiin ci­idanka xoogga dalka ee sald­higga 43-aad ee ku yaalla Kismaayo waa ci­idamada ugu hor­reeya ee la isku-dhafayo, kana kooban kuwo laga kala keenay dham­maan deg­mooyinka gob­alka Jub­badda Hoose. Waxaa isku-dhafkooda qayb weyn ka qaatay madaxda dowladda fed­er­aalka So­ma­lia iyo kuwa maa­mulka Jub­ba­land.

Sidoo kale, wuxuu wasiir-u-dowluhu mar kale yiri bayaanki­isa. “Ci­idanka xoogga dalka iyo kuwa Jub­ba­land waxaa ka dhax­eeya wada-shaqeyn iyo iskaashi aad u wanaagsan, wax­ayna hee­gan u yi­hiin di­faaca dalkooda iyo soo celinta amarka iyo kala dambeynta.”

Wax­aana sidoo kale lagu yiri qo­raalka ci­idamada xoogga dalka Soomaaliy­eed, meel kas­too ay ku sugan yi­hiin kuma lug yee­lan karaan wax ka baxsan waa­jibka Qaran ee saaran. Sidaas dar­teed wax­aan caddey­nayaa buu yiri in­aysan waxba ka jirin wararka shee­gaya in 02-dii bishaan Ok­too­bar, 2015-ka uu da­gaal dhax-maray ci­idanka xoogga dalka iyo kuwa maa­mulka jub­ba­land.

Ugu dambeyn, wasiir-u-dowle Xa­gaa ayaa uga ma­had-celiyay mas’u­uliyi­inta Qaranka iyo maa­mulka Jub­ba­land wada-shaqeynta joog­tada ah ee ay la leey­i­hiin ci­idanka xoogga dalka.