GLOBAL NEWS

Xaalada Magaalada Beledweyne oo Caawa dagan kaddib dagaal culus oo Maanta ka dhacay


Xaalada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa caawa degan kaddib dagaal culus oo maanta xaafadda Howl-wadaag ku dhexmaray maleeshiyo ka kala tirsan beelaha Gaaljecel iyo Jajeele.

In ka badan 10 qof oo u badan dhinacyadii dirirtu dhaxmartay ayaa dagaalka ku geeriyooda halka dhaawac 37 ruuxna la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Labada dhinac ayaa wali isku hor fadhiya aagagii uu galabku ugu dhacay, madaama aysan jirin cid ilaa iyo hadda dhax-gashay si looga hortago dagaal danbe oo dhaca.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawl-galka midowga Africa AMISOM uu ku geeriyooday dagaalkii maanta kaddib markii sidda la sheegay rasaas lagu furay gadiid ay la socdeen ciidamada Jabuuti oo waqtigaa marayay goobaha ay ku dagaalamayeen maleeshiyaadka.

Laakiin warka ku saabsan geerida askariga si rasmi ah uma shaacin, hasse ahaatee ilo ku dhaw dhaw ciidammada Jabuuti ayaa warbaahinta u sheegay in askariga uu u geeriooday dhaawac culus oo soo gaaray.

Dadkii rayidka ahaa ee ku go’doonsanaa xaafadda ayaa hadda bilaabay inay qaarkood in ay xilli habeennimo ah kasoo baxaan iyaga oo faa’iideysanaya deggenaasha aan badneyn ee ka jirta xaafadda.